Energy

Madaxweynaha Iiraan oo gaaray magaalada New York si uu khudbad uga jeediyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Saacad ka hor imaatinkiisa, Donald Trump ayaa mar kale ku hanjabay inuu burburin doono Iran, xilli uu khudbaddiisa sannadlaha ah u jeedinayay hoggaamiyeyaasha caalamka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Iiraan oo gaaray magaalada New York si uu khudbad uga jeediyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Saacad ka hor imaatinkiisa, Donald Trump ayaa mar kale ku hanjabay inuu burburin doono Iran, xilli uu khudbaddiisa sannadlaha ah u jeedinayay hoggaamiyeyaasha caalamka ee Qaramada Midoobay. Tebin toos ah 30 Daqiiqadood ka hor War deg deg ah , Maxaa ka jira in Trump uu ka qeyb qaatay soo afjaridda 8 dagaal oo dunida ka socday? Xigashada Sawirka, RE Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in tan iyo markii uu markii labaad xilka madaxweynaha qabtay, uu soo afjaray illaa 8 dagaal, isaga oo yiri “sharaf weyn ii ahayd inaan soo afjaro siddeed dagaal”.

Waxa uu xusay lix ka mid ah: Cambodia iyo Thailand Kosovo iyo Serbia Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Rwanda Pakistan iyo India Armenia iyo Azerbaijan Dagaalka Gaza BBC Verify ayaa horey u baartay sheegashadan , waxayna ogaatay in qaar ka mid ah colaadahaas ay socdeen oo keliya dhowr maalmood, inkastoo ay ka dhasheen xiisado muddo dheer soo jiray. In kasta oo xabbad-joojinno la gaaray, haddana colaadaha qaar ayaa weli socda sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Gaza . Waxaa sidoo kale xusid mudan in Trump uusan soo hadal qaadin dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhexmaray Israel iyo Iraan bishii Juun 2025, iyo “dagaalkii” u dhexeeyay Masar iyo Itoobiya.

Labadan dhacdo ayaa horey Aqalka Cad ugu daray siddeedda dagaal ee uu sheegay in Trump soo afjaray. Marka laga hadlayo Masar iyo Itoobiya, dhab ahaantii ma jirin dagaal ay tahay in la soo afjaro, bale Waxaa jiray xiisado u dhexeeyay labada dal oo la xiriiray dhismaha biyo-xireen ku yaalla webiga Niil. 37 Daqiiqadood ka hor War deg deg ah , Taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka Iran: “Maraykanka meel kasta oo uu dalka ka soo dego waa la baabi’in doonaa” Sarreeye Gaas Yahya Rahim Safavi, oo ah taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka Iran, isla markaana ah la-taliye iyo kaaliye u ah hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ayaa wareysi telefishin ku sheegay: “Waxaan haynaa 10 milyan oo xubnood oo Basij ah oo tababaran, kuwaas oo awood u leh inay gobol kasta u difaacaan si nidaamsan.” Hadalkan ayuu ka sheegay isagoo ka hadlayay suuragalnimada in ciidamada dhulka ee Maraykanku gudaha Iran ka soo degaan. Wuxuuna sheegay in aragtidiisa, haddii Maraykanku meel kasta oo dalka ka mid ah ciidamo ka soo dejiyo, “hubaal waa la baabi’in doonaa.” Mr.

Rahim Safavi ayaa sidoo kale, sida saraakiil kale oo sar-sare oo dalkaas ka tirsan, ku adkeystay in: “Furitaanka marin-biyoodka Hormuz uu ku xirnaan doono in la aqbalo shuruudaha Iran.” Taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in cadaadiska Washington uu yahay “caqabadda ugu weyn” ee hortaagan in Iran iyo Cumaan ay heshiis ka gaaraan sida maraakiibtu uga gudbi lahaayeen marin-biyoodka Hormuz. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu aaminsan yahay in xaaladdan ay horseedi doonto in “ma aha oo keliya in marin-biyoodka Hormuz uusan ku laaban doonin xaaladdiisii hore, balse Bab al-Mandab-na uusan ku laaban doonin xaaladdiisii hore.” 43 Daqiiqadood ka hor Intee ayey la egtahay Tirada sida maalinlaha ah u marta Marin biyoodka Homuz Xigashada Sawirka, re Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay uga sheegay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in marka laga hadlayo marinka muranka ka taagan yahay ee Hormuz, “shidaal ka badan ayaa hadda maraya marka loo eego waqti kasta tan iyo markii uu dagaalka Iraan bilowday”. “Waxaan maalin kasta iyo habeen kasta ka soo saareynaa 22, 25, 30, 32 iyo 37 markab, siday u kala horreeyaan,” ayuu intaas ku daray.

Hadalkan Trump ayaa ka rajo wanaagsan xogta ay hayso shirkadda xogta sirdoonka badda ee Kpler. Shirkaddu waxay qiyaastay in tirada guud ee maraakiibta noocyadooda kala duwan ee ka gudbay marinka ay toddobaadkii hore u dhexeysay 9 ilaa 24 markab maalintii, taas oo aad uga hooseysa celceliskii ka hor dagaalka oo ahaa qiyaastii 140 markab maalintii. Xogta Kpler ayaa sidoo kale muujineysa in celcelis ahaan 8.1 milyan oo foosto oo saliid cayriin ah maalintii ay toddobaadkii hore mareen marinka Hormuz, marka loo eego celceliskii ka hor dagaalka oo ahaa 13.5 milyan oo foosto maalintii.

Source: bbc.com

Distributed to Watch · Pushold by RedPress.

Related News

Contact Advertise Search RSS